Shalay, 25kii Nofeenbar, waxaa bilaabmay 16ka Maalmood ee Ololaha Kahortagga Tacaddiyada ka Dhanka ah Haweenka iyo Gabdhaha oo ah olole caalami ah oo sanadle ah, kaas oo bilaabma shalay oo kale, kuna ekaada 10ka Diseenbar, Maalinta Xuquuqul-insaanka Adduunka (UDHRs).
Bilowga ololahan, waxa uu ku soo beegmayaa iyada oo isbuuc ka hor, 17kii Nofeenbar, Guddiga Saddexaad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay uu cod aqlabiyad ballaaran ah ku ansixiyay qaraar (resolution) cinwaankiisu yahay “Xoojinta dadaallada looga hortagayo, laguna ciribtirayo dhammaan noocyada rabshadaha ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha”. Natiijada codbixintu waxa ay ku soo dhammaatay 175 dal oo oggolaatay, lix dal oo ka aamusay, Soomaaliyana ay noqotay dalka keliya ee caalamka oo dhan codka “diidmada” ah ku dhuftay. Dabcan, diidmadaas macnaheedu ma wada aha in ay Soomaaliya taageersan tahay in haweenka la waxyeeleeyo, dhanka kalase waxa ay noqon kartaa in ay Soomaaliya si qayaxan uga hortimid qodobbada oo dhan!
Tacaddiyada ku salaysan jinsiga iyo beegsiga haweenka, waxaa loo aqoonsanyahay aafo caalami ah oo aan ku koobnayn dalal gaar ah, waxaa caddayn buuxda u ah kaddib insaaniyadda, in 175 waddan oo leh nidaamyo diimeed, dhaqan, iyo siyaasadeed oo aad u kala duwan, sida dalalka reer Galbeedka, Shiinaha, Sucuudiga, Iiraan, iyo inta badan dalalka Afrika iyo Aasiya ay dhammaantood ansixiyeen qaraarkan.
Qaraarrada ka soo baxa Guddiga Saddexaad ee Golaha Guud ma aha kuwo qasab ku ah dalalka (non-binding), beddelkase baaqyo siyaasadeed iyo halbeegyo akhlaaqeed oo lagu dhiirrigelinayo dawladaha in ay gudaha dalalkooda ka dhisaan nidaam caddaaladeed oo haweenka iyo gabdhaha ka ilaaliya tacaddiyada, isla markaasna waafaqsan qiyamka iyo sharciyada bulshooyinkooda. Habka codaynta waxaa dalalka u furan in qodobbada ay u arkaan in ay ka hor imaanayaan akhlaaqda, dhaqanka, iyo dastuurrada dalkooda, ay ka gaabsadaan, soona gudbiyaan qodobbada aan waafaqayn sharciyadooda (reservations), si guudse ay qaraarka u taageeraan.
Go’aanka ay Soomaaliya ku diidday qaraarka, weliba kaligeed, waa mid qar-iska-tuurnimo ah! Dabcan waxba uma dhimayo ansixinta qaraarka, waxa ayse dalka gelinaysaa xaalad diblomaasiyadeed oo xasaasi ah, taas oo dhaawacaysa muuqaalka Soomaaliya ee fagaarayaasha caalamiga ah, xilli uu dalku wajahayo suuradxumayntii abid ugu weynayd. Saamayntu kuma ekaan doonto kaliya si-u-aragga dibadeed iyo wiiqidda maqaamka dibloomaasiyadeed. Sida cad, dhaqaalaha Soomaaliya waxa uu inta ugu badan ku tiirsanyahay kaalmada caalamiga, diidmadaa qayaxan waxa ay dhalin kartaa in dalalka deeqaha bixiya ay shuruudo ku xiraan maalgelinta mashaariicda bulshada iyo horumarinta iyo, si guud, taageerada Soomaalida.
Dalal badan oo Islaam ah, waxa ay doorteen in ay qaraarka u codeeyaan, kaddibna ay diiwaangeliyaan diidmadooda ku aaddan qodobbada qaarkood (reservations). Marka la barbardhigo, habka ay Soomaaliya u martay, wuxuu muujinayaa in ergada Soomaaliya iyagoo xeeladaysan karay ay doorbideen qaadashada mawqif adag oo aan kafiirsasho lahayn. Sidoo kale, ergadu waxa ay khasaarisay fursaddii ay ku sharrixi kareen go’aankooda, kuna soojeedin kareen wixii ay qoonsadeen. Waxay ahayd in Soomaaliya arrintan garwadeen ka noqoto ee ma ahayn in garbaduubto!
Gudaha Soomaaliya, waxaa muddo dheer ka taagnaa dood adag oo u dhaxaysa haweenka, ururrada bulshada rayidka ah, odoyaasha dhaqanka iyo culimada diinta, taas oo ku sababsan xeerarka la xiriira dembiyada gudniinka iyo galmada iyo si guud ilaalinta xuquuqda haweenka. Bishii hore ayay ahayd markii Wasaaradda Haweenku (Qoysku) ay Baarlamaanka horgeysay hindisasharciyeedka kahortagga gudniinka fircooniga ah, tallaabadaas oo mar kale dib u soo noolaysay dooddii ku saabsanayd sidii loo heli lahaa sharciyo midaysan oo si buuxda u dhowraya badbaadada iyo sharafta gabdhaha Soomaaliyeed. Meelmarinta xeerarka noocan ahi waxa ay weli wajahayaan kala-aragti-duwanaansho xooggan, taasoo hadba mar dib-u-dhigta helidda sharciyo adag oo xakameeya xadgudubyada, dhowra xaqa dulmanaha, danbiilayaashana ciqaaba.
Soomaaliya oo ay muwaadiniinteedu wajahayaan waxaas u dhibaatooyin ah, waxa ay diidmadeedaasi la mid noqon kartaa in la hor-istaagay baaq caalami ah oo loogu qareemayo ilaalinta nafta iyo sharafta gabdhaha, iyo in aanay ergada iyo hoggaanka dalkuba ahmiyad siinayn ilaalinta xuquuqda haweenka iyo kahortagga xadgudubyada ka dhanka ah. Marka ay ugu yartahay waxaa arrintaas loo macnayn karaa: FAHANDARRO iyo JAHLI! Sidoo kale, waxa uu go’aankaasi, shaki gelinayaa sida ay uga go’antahay xaqiijinta caddaaladda wadareed ee bulshada, waxa ayna niyadjab ku tahay malaayiin haween Soomaaliyeed ah oo sugayay in codkooda iyo badbaadadooda laga horumariyo dhoodhoobka bulsheed iyo loollanka siyaasadeed ee maalinlaha ah.
WQ: Sucaad Cariif
Uqareeme Bulsho
From the comments