Sacuudiga oo Fashiliyay Gantaallo Ballistic ah oo Xuutiyiintu ku Bartilmaameedsadeen Caasimadda Riyaad iyo Gobolka Bariga Dalkaas

Sacuudiga oo Fashiliyay Gantaallo Ballistic ah oo Xuutiyiintu ku Bartilmaameedsadeen Caasimadda Riyaad iyo Gobolka Bariga Dalkaas

Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in ciidamadeeda difaaca cirka ay aroornimadii Axadda soo rideen dhowr gantaal oo ballistic ah oo ay kooxda Xuutiyiinta Yemen ku bartilmaameedsadeen caasimadda Riyaad iyo gobolka Bariga Sacuudiga, xilli ay sii xoogeysanayaan weerarrada ka dhanka ah dalkaas.

Afhayeenka Isbahaysiga Taageera Dowladda Yemen, Jeneraal Turki Al-Maliki, ayaa sheegay in nidaamyada difaaca cirka ay burburiyeen gantaal loo soo tuuray dhanka Riyaad iyo laba kale oo lala beegsaday gobollada Al-Ahsa iyo Abqaiq ee gobolka Bariga.

Wuxuu intaas ku daray in burburka gantaalladii la soo riday uu ku dhacay dhulka gobolka Bariga, balse aysan jirin dad rayid ah oo waxyeello kasoo gaartay.

Weerarka ayaa dhacay wax yar kaddib 2:30 habeenimo, iyadoo dadka ku nool Riyaad ay taleefannadooda ku heleen digniino degdeg ah oo looga digayay khatar cirka ka imaan karta.

Dhacdadan ayaa daba socotay weerarro kale oo dhacay Sabtidii, markaas oo isbahaysiga uu sheegay inuu soo riday afar gantaal oo ballistic ah iyo hal gantaal nooca Cruise-ka ah, kuwaas oo lagu beegsaday meelo kala duwan oo ka tirsan Sacuudiga.

Gantaalladaas waxaa ka mid ahaa kuwo lala beegsaday koonfurta dalka, gobolka Jazan iyo caasimadda Riyaad, sidoo kalena, ciidamada isbahaysiga ayaa sheegay inay burburiyeen goob laga soo tuuro gantaallada oo ku taalla gobolka Saada ee waqooyiga Yemen, taas oo ay sheegeen in Xuutiyiintu u adeegsanayeen weerarrada ka dhanka ah gobolka Jazan.

Weerarradan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan duqeymaha iyo weerarrada lagu beegsanayo kaabayaasha dhaqaalaha Sacuudiga, ayadoo khamiistii lasoo dhaafay, weerar lagu qaaday warshadda sifeynta shidaalka ee Jazan ay ku dhinteen shaqaale u dhashay dalka Nepal, halka dhowr qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments