Ciidanka Dowladda Soomaaliya oo kaashanaaya Amisom, ayaa waxay xalay howl-gal ballaaran ka sameeyeen Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir. Sidoo kale hawlgalka wuxuu sameeyay halka ay iska gallaan Degmooyinka Wadajir iyo Dharkiinley.
Ciidamada ayaa waxay hawlgalka xoogiisa ka kala sameeyeen agagaarka Nasteexo, Suuqa weyn ee Wadajir, Xeendaabka Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ilaa Aargada Degmada Wadajir, ee xigta dhinaca Dharkiinley. Waxaana la arkaayay Booliska oo baabuur kaga qaadaaya rag badan goobaha hawlgalada laga sameeyay, waxayna u qaadeen dhinaca Xarumaha Nabad Suggida iyo CID-da.
Ciidanku waxey howl-galka ku dileen nin, kaasoo la soo sheegay inuu damcay in uu ka baxsado Ciidamada, waxayna taasi keentay inay toogasho ku dilaan.



From the comments