HOGGAAMIYAHA GALMUDUG OO MAGACAABAY GOLAHA WASIIRRADA CUSUB

Dhuusamareeb, 22 Nofeembar 2026: Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa soo saaray wareegto rasmi ah oo uu ku magacaabay xubnaha cusub ee Golaha Wasiirrada Galmudug, kuwaas oo…

HOGGAAMIYAHA GALMUDUG OO MAGACAABAY GOLAHA WASIIRRADA CUSUB

Dhuusamareeb, 22 Nofeembar 2026: Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa soo saaray wareegto rasmi ah oo uu ku magacaabay xubnaha cusub ee Golaha Wasiirrada Galmudug, kuwaas oo ka kooban wasiirro, wasiirro-dowleyaal iyo wasiir ku-xigeenno.

Wareegtada oo ka soo baxday Xafiiska Hoggaamiyaha Galmudug ayaa lagu sheegay in magacaabistan ay salka ku hayso qodobbada 50-aad, faqraddiisa 4-aad, iyo 55-aad, faqraddiisa 1-aad, ee Dastuurka Dowlad Goboleedka Galmudug.

Liiska magacaabista ayaa ka kooban 24 wasiir, 18 wasiir-dowle iyo 24 wasiir ku-xigeen, kuwaas oo loo kala xilsaaray wasaarado kala duwan oo ay ka mid yihiin Amniga, Maaliyadda, Arrimaha Gudaha, Caafimaadka, Waxbarashada, Gaadiidka, Dekedaha, Kalluumeysiga, Biyaha, Tamarta, Beeraha iyo Khayraadka Dabiiciga ah.

Hoggaamiyaha Galmudug ayaa sidoo kale faray dhammaan hay’adaha kala duwan ee dowladda inay la shaqeeyaan wasiirrada cusub, si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.

Cabdullaahi Axmed Maxamed — Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka

Cabdiqani Sheekh Cali Diini — Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dib-u-heshiisiinta iyo Dowladaha Hoose

Farxaan Cali Maxamed — Wasaaradda Maaliyadda iyo Dakhliga

Maxamed Xuseen Abuuukar (Awliyo) — Wasaaradda Awqaafta, Arrimaha Diinta iyo La-dagaallanka Xag-jirka

Cabdisalaan Cabdi Aadan — Wasaaradda Amniga Gudaha

Duraan Aadan Axmed — Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada

Xasan Nuur Maxamed — Wasaaradda Waxbarashada, Tacliinta Sare iyo Horumarinta Xirfadaha

Cabdullaahi Maxamed Daahir — Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta

Cabdiraxmaan Xaashi Diiriye — Wasaaradda Shaqada, Shaqo-abuurka iyo Ilaalinta Nolosha Bulshada

Cabdiraxmaan Maxamed Axmed — Wasaaradda Beeraha, Waraabka iyo Damaanadqaadka Helitaanka Cuntada

Axmed Khayr Macalin Maxamuud — Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa

Daahir Maxamuud Maxamed — Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha

Maxamed Saciid Axmed (Asxaaf) — Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka, Farshaxanka iyo Dalxiiska

Maxamed Xaashi Dhoore — Wasaaradda Howlaha Guud iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha

Cabdulqaadir Cabdirashiid Yuusuf — Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Horumarinta Hibada

Jaamac Cumar Cilmi — Wasaaradda Deegaanka, Ilaalinta Duur-joogta iyo Isbeddelka Cimilada

Cabdixakiin Xaydar Yuusuf — Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta

Axmed Dhiblaawe Casir — Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha

Haweeya Ismaaciil Axmed — Wasaaradda Qoyska, Dhallaanka iyo Xuquuqda Aadanaha

Jabriil Cali Maxamed — Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Iskaashiga Dibadda

Maxamuud Ibraahim Hilif — Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada

Xasan Xirsi Xaashi — Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda

Cabdiwali Maxamed Axmed — Wasaaradda Gargaarka, Maareynta Musiibooyinka, Yareynta Saboolnimada iyo Horumarinta Reer Miyiga

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments