Duulimaadyadii tagi jiray ama ka bixi jiray Garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne ayaa maalintii labaad hakad ku jira, kaddib iska-horimaad hubeysan oo Khamiistii dhexmaray ciidamada Jabuuti ee AUSSOM iyo xoogagga deegaanka.
Iska-horimaadka ayaa billowday markii xoogagga deegaanka ay gudaha u galeen garoonka, kaddib markii ay heleen war sheegaya in diyaarad sidday ciidamo federaal ah ay kasoo duushay Muqdisho. Diyaaradda ayaa dib u laabatay iyada oo aan garoonka ka degin.
Ugu yaraan hal askari oo ka tirsanaa xoogagga deegaanka ayaa ku dhintay, lix kalena way ku dhaawacmeen iska-horimaadka.





From the comments