Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca dalka Uganda (UPDF), ahna wiilka uu dhalay Madaxweyne Yoweri Museveni, General Muhoozi Kainerugaba, ayaa bartiisa X(Twitter) ku baahiyay hadal abuuray dood xooggan oo siyaasadeed, taas oo ku wajahan isbedellada Geeska Afrika iyo xiriirka Soomaaliya ee dowladaha aan gobolka ahaynd.
Gen. Muhoozi ayaa qoraalkiisa ku yiri: “Dadka Bachwezi waxay u ooyayaan Soomaaliya. Soomaalidu waa qayb ka mid ah Boqortooyadii weynayd ee Bachwezi. Kuma beddeli karaan dhiiggeenna qaaliga ah dhiigga shisheeye qalaad. Taariikhdeennuna ma aqbali doonto.”
Bachwezi waa boqortooyo taariikhi ah oo ka jirtay gobolka Harooyinka Waaweyn (Great Lakes) gaar ahaan Uganda. In Muhoozi Kainerugaba uu Soomaalida ku daro boqortooyadaas waxay muujinaysaa isku day lagu doonayo in la abuuro xiriir dhiig iyo mid taariikhi ah oo u dhexeeya dadka Uganda iyo Soomaalida, taas oo ka duwan xiriirka diblomaasiyadeed ee caadiga ah.
Hadalka Taliyahan ayaa xambaarsan laba farriimood oo waaweyn;
midda koowaad oo ah sheegasho taariikhi ah oo uu Soomaalida ku xiriirinayo boqortooyadii hore ee Bachwezi ee ka jirtay Uganda si uu u muujiyo xiriir isir iyo walaaltinimo, iyo midda labaad oo ah diidmo cad oo ku socota “shisheeyaha qalaad”, taas oo falanqeeyayaashu u fasireen digniin dadban oo ku socota quwadaha shisheeye (sida dalalka Carabta, Turkiga, iyo reer Galbeedka) ee saameynta ku leh arrimaha Soomaaliya.
Hadalka Muhoozi wuxuu ku soo beegmay xilli xasaasi ah oo Soomaaliya ay ku jirto marxalad kala-guur oo dhanka amniga ah, gabagabana uu yahay waqtiga howlgalka nabad ilaalinta AUSSOM.
Uganda oo ah dalkii ugu horreeyay ee ciidamo nabad-ilaalin ah u soo dira Soomaaliya sanadkii 2007, isla markaana la wadaagta Soomaaliya xubinnimada Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), ayaa u muuqata mid diiddan in doorkeedii hoggaamineed ee amniga Soomaaliya lala wadaago ama lagala wareego.
Inkasta oo Gen. Muhoozi lagu yaqaanno qoraallo aan diblomaasiyadeed ahayn oo marar badan muran ka dhex dhaliyay dalalka gobolka, haddana hadalkani wuxuu fariin cad u dirayaa saaxadda siyaasadda, waxaana imaanayaa xilli ay soo baxayaan warbixinno sheegay in DFS ay qorsheyneyso inay ciidamo badan ka dalbato Turkiga iyo Masar si ay uga maaranto ciidamada Midowga Afrika oo dhaqaalo xumo howlgalkoodu uu wajahayo.
From the comments