Xogo Cusub oo laga Helay Saldhigyo Militari oo Qarsoodi ah oo Imaaraadku ka Dhistay Barbera iyo Boosaaso

Baaritaan uu sameeyay wargeyska Mareykanka ee The New York Times ayaa daaha ka rogay dhaqdhaqaaqyo milatari oo ballaaran oo laga sameeyay garoomada diyaaradaha Berbera iyo Boosaaso, kaddib markii sawirro dayax-gacmeed oo uu wargeysku falanqeeyay ay muujiyeen dhismayaal milatari, goobo lagu kaydiyo hubka iyo qalabka dagaalka, iyo nidaamyo loogu talagalay difaaca cirka oo Imaaraadka Carabtu ka hirgeliyay labada goobood

Xogo Cusub oo laga Helay Saldhigyo Militari oo Qarsoodi ah oo Imaaraadku ka Dhistay Barbera iyo Boosaaso

Baaritaan uu sameeyay wargeyska Mareykanka ee The New York Times ayaa daaha ka rogay dhaqdhaqaaqyo milatari oo ballaaran oo laga sameeyay garoomada diyaaradaha Berbera iyo Boosaaso, kaddib markii sawirro dayax-gacmeed oo uu wargeysku falanqeeyay ay muujiyeen dhismayaal milatari, goobo lagu kaydiyo hubka iyo qalabka dagaalka, iyo nidaamyo loogu talagalay difaaca cirka oo Imaaraadka Carabtu ka hirgeliyay labada goobood.

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in garoomadan oo markii hore loo adeegsan jiray duulimaadyada rayidka ah ay muddooyinkii dambe isu beddeleen xarumo leh awood milatari oo ballaaran, kuwaas oo loo diyaariyay inay qaabilaan diyaarado milatari, ciidamo iyo agab kala duwan oo la xiriira hawlgallada amniga. Isbeddellada laga arkay sawirrada dayax-gacmeedka ayaa muujinaya dhismayaal cusub, hangarro waaweyn iyo goobo gaar ah oo loogu talagalay kaydinta iyo ilaalinta qalabka milatari.

Baaritaanka ayaa sidoo kale iftiimiyay in labada garoon ay kaalin ku leeyihiin dhaqdhaqaaqyada saadka milatari ee gobolka, iyadoo ay jiraan tuhuno iyo su’aalo la xiriira in loo adeegsado gudbinta hubka iyo qalabka dagaalka ee gaara dalalka ay colaadaha ka socdaan.

Arrintan ayaa si gaar ah indhaha loogu hayaa, maadaama Geeska Afrika iyo Badda Cas ay noqdeen goobo ay ku loollamayaan dalal leh dano siyaasadeed, dhaqaale iyo milatari oo kala duwan.

Dhanka kale, xogta la socodka duulimaadyada ayaa muujisay in diyaarado milatari oo Mareykan ah ay booqashooyin ku tageen garoomadaas, taas oo muujinaysa in Washington ay danaynayso xarumahaasi.

Warbixintu waxay sheegtay in Mareykanku uu xiriir dhinaca amniga ah la leeyahay dhinacyada ka hawlgala goobahan, inkasta oo aan la xaqiijin qorshe rasmi ah oo uu ku doonayo inuu saldhig joogto ah ka sameysto Berbera ama Boosaaso.

Muhiimadda labada garoon ayaa sidoo kale la xiriirta goobaha ay ku yaallaan, maadaama Berbera iyo Boosaaso ay ku dhow yihiin marin-biyoodka Gacanka Cadmeed iyo waddooyinka muhiimka ah ee isku xira Badda Cas iyo Badweynta Hindiya.

Arrimahan ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, kaas oo salka ku haya heshiisyada amniga, dekedaha iyo xiriirka tooska ah ee Imaaraadku la leeyahay maamullada dalka qaarkood.

Dowladda Federaalka ayaa ku adkaysanaysa in arrimaha la xiriira madaxbannaanida, difaaca iyo heshiisyada caalamiga ah ay tahay in lagu saleeyo awoodda iyo oggolaanshaha dowladda dhexe, halka maamullada Soomaaliland iyo Puntland ay leeyihiin heshiisyo iyo xiriirro gaar ah oo ay la sameeyeen Imaaraadka.

Xaaladdan ayaa dhalinaysa su’aalo waaweyn oo ku saabsan cidda mas’uulka ka ah isticmaalka garoomadaas, heshiisyada lagu dhisay xarumaha milatari iyo heerka ay dowladda Federaalka Soomaaliya uga warqabto dhaqdhaqaaqyada halkaas ka socda.

Baaritaanka The New York Times wuxuu iftiiminayaa muhiimadda sii kordhaysa ee Berbera iyo Boosaaso ay u leeyihiin danaha milatari ee Imaaraadka iyo Mareykanka, xilli Geeska Afrika uu wajahayo loollan siyaasadeed iyo mid amni oo sii xoogeysanaya.

Su’aasha weli jawaabta u baahan ayaa ah: yaa oggolaaday in labada garoon loo adeegsado hawlgallo milatari oo shisheeye, maxayse tahay mas’uuliyadda dowladda Federaalka ee ilaalinta madaxbannaanida iyo dhulka Soomaaliya?

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments