Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed, ayaa tababar u soo xiray saraakiil baarayaal ah oo ka kala socday saldhigyada degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Waaxda Tacaddiyada ka dhanka ah Carruurta iyo Haweenka ee Booliiska Soomaaliyeed.
Tababarkan ayaa lagu xoojinayay aqoonta iyo xirfadaha saraakiisha ee la xiriira baarista dambiyada, iyadoo la doonayo in sare loo qaado tayada shaqada baarista iyo hufnaanta adeegyada booliiska.
Saraakiisha tababarka dhammaystay ayaa laga filayaa inay aqoonta ay kororsadeen uga faa’iideeyaan gudashada waajibaadkooda, gaar ahaan ilaalinta xuquuqda carruurta iyo haweenka iyo wax ka qabashada tacaddiyada ka dhanka ah.





From the comments