Jaamacadda Difaaca Qaranka ayaa loo dhisayaa xarun waxbarasho oo casri ah, taas oo lagu tayeynayo aqoonta iyo xirfadaha saraakiisha iyo ciidamada Soomaaliyeed. Waxay ka koobnaan doontaa kulliyado kala duwan, xarumo cilmi-baaris iyo goobo tababar. Dowladda Shiinaha ayaa Soomaaliya ka taageereysa hirgelinta mashruucan.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa dhagax-dhigay dib-u-dhiska Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka, kaas oo ka koobnaan doona saddex dabaq, laguna qalabeyn doono adeegyada caafimaad ee looga baahan yahay isbitaal casri ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka dadaallada ay ku bixinayaan horumarinta kaabayaasha ciidamada, tayeynta aqoontooda iyo daryeelkooda caafimaad.





From the comments