Dowladda Turkiga ayaa beenisay wararka sheegaya in ay Soomaaliya u diri doonto 15,000 oo askari, kadib codsi la sheegay in uu uga yimid dowladda Soomaaliya.
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga, Admiral Zeki Akturk, oo Khamiistii ka hadlay shir-jaraa’id oo toddobaadle ah, ayaa sheegay in warkaasi aanu sal iyo raad toona lahayn.
Waxa uu xusay in ciidamada Turkiga ee Soomaaliya ku sugan ay sii wadaan howlaha tababarka, talo-bixinta iyo taageerada milatari, kuwaas oo lagu horumarinayo awoodda ciidamada Soomaaliya ee la dagaallanka argagixisada.




From the comments