Goobjoog

Hoggaamiyaha Galmudug iyo Safiirka Britain oo ka wada hadlay siyaasadda iyo amniga Soomaaliya

Safiirka dowladda Britain u fadhiya Soomaaliya, Charles King, ayaa khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Liibaan Axmed. Labada mas’uul ayaa wada-hadalkooda diiradda ku saaray xoojinta xiriirka…

Hoggaamiyaha Galmudug iyo Safiirka Britain oo ka wada hadlay siyaasadda iyo amniga Soomaaliya

Safiirka dowladda Britain u fadhiya Soomaaliya, Charles King, ayaa khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Liibaan Axmed.

Labada mas’uul ayaa wada-hadalkooda diiradda ku saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga muddada dheer ka dhexeeya dowladda UK iyo maamulka Galmudug.

Sidoo kale, waxay ka wada hadleen xaaladda guud ee siyaasadda iyo amniga Soomaaliya, iyagoo is-weydaarsaday aragtiyo ku saabsan arrimaha mudnaanta u leh labada dhinac.

Safaaradda Britain ee Muqdisho ayaa sheegtay in wada-hadalku ahaa mid wax-ku-ool ah, kaas oo qayb ka ah dadaallada lagu sii xoojinayo xiriirka UK iyo Galmudug.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments