MUQDISHO – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa magaalada Muqdisho kulan muhiim ah kula yeeshay Sii-hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, Ruth Anne Stevens-Klitz, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada difaaca iyo amniga.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Mareykanka, gaar ahaan taageerada dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, horumarinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka iyo mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM).
Labada dhinac ayaa sidoo kale isla soo qaaday muhiimadda ay leedahay in kala-guurka mas’uuliyadda amniga dalka uu noqdo mid qorsheysan oo ku saleysan awoodda iyo diyaargarowga Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa kulanka ku soo bandhigay xaaladda howlgallada milatari ee ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo xusay dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo awoodda ciidamada qaranka iyo sugidda amniga dalka.
Sidoo kale, waxaa kulanka lagu soo qaaday wareejinta saldhiggii hore ee ciidamada AUSSOM ee magaalada Baraawe, kaas oo ay dhawaan la wareegeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, tallaabadaas oo qayb ka ah qorshaha dowladda ee la wareegidda mas’uuliyadda amniga.
Axmed Macallin Fiqi ayaa adkeeyay sida ay dowladda uga go’an tahay dhismaha ciidan qaran oo xirfad leh, awoodna u leh ilaalinta madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo amniga Soomaaliya.
Ugu dambeyn, wasiirka ayaa dowladda Mareykanka uga mahadceliyay taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan tababarka ciidamada, tayeynta awooddooda difaac iyo taageerada howlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada.
From the comments