Goobjoog

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS iyo Saraakiil Kale oo booqday Dugsiga Tababarka Xananbuure

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Gen. Khalid), ayaa Dugsiga Tababarka Xananbuure kula kulmay ciidamo cusub oo dhawaan loo diyaarinayo inay ka mid noqdaan safafka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Kulanka oo diiradda lagu saaray dhiirrigelinta iyo diyaarinta ciidamada ayaa Taliyuhu kula dardaarmay askarta cusub inay muujiyaan waddaniyad, daacadnimo iyo masuuliyad, isaga oo ku bogaadiyay inay doorteen difaaca dalkooda iyo u adeegidda shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa sagootin u sameeyay cutubyo kale oo tababarkooda ku soo qaatay Dugsiga Xananbuure, kuwaas oo dhammaystay marxaladdii tababarka, isla markaana isu diyaarinaya inay gutaan waajibaadka qaran ee loo igmaday.

Gen. Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa ciidamada faray inay ku dhaqmaan anshaxa iyo xeerarka milatariga, ilaaliyaan xuquuqda aadanaha, kana fogaadaan fal kasta oo dhaawici kara kalsoonida shacabka. Waxa uu sidoo kale kula dardaarmay adkaysi, feejignaan iyo geesinnimo marka ay gudanayaan waajibaadkooda.

Taliyaha ayaa tilmaamay in baahida ugu weyn ee dalka maanta ay tahay helitaanka ciidan tayo leh oo leh aqoon, karti iyo waddaniyad, kuwaas oo awood u leh inay difaacaan qaranka, sugaan amniga shacabka, kana qayb qaataan dagaalka  ka dhanka ah Al-shabaab.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments