Goobjoog

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo duleedka Baraawe kula hadlay cutubyo ka tirsan ciidamada

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa duleedka magaalada Baraawe kula hadlay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas oo ku sugan deegaannadaas.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo duleedka Baraawe kula hadlay cutubyo ka tirsan ciidamada

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa duleedka magaalada Baraawe kula hadlay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas oo ku sugan deegaannadaas.

Ciidamada uu la kulmay Taliyaha ayaa kala ahaa Guutada 8-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor ee Qaybta 1-aad.
Intii uu la hadlayay ciidamada, Taliyaha ayaa u jeediyay dardaaran iyo dhiirrigelin ku saabsan gudashada waajibaadka qaran ee saaran, isaga oo si gaar ah u adkeeyay muhiimadda ay leeyihiin feejignaanta, geesinnimada, isku-duubnida iyo ilaalinta amniga dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Sareeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa ciidamada kula dardaarmay inay muujiyaan diyaar-garow buuxa, isla markaana ay si hufan oo hagar la’aan ah u gutaan waajibaadkooda ciidan, isagoo ku boorriyay inay ka faa’iideystaan fursad kasta oo ay ku wiiqi karaan awoodda kooxda Khawaarijta, kuna sugi karaan amniga deegaannada laga xoreynayo.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dhiirrigelinta iyo kormeerka hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka ee cutubyada ku sugan furimaha dagaalka, xilli ay ciidamada dowladda howlgallo ka wadaan deegaanno kala duwan oo dalka ah.

Taliyaha ayaa ugu dambeyn ciidamada ku boorriyay inay sii laba-jibaaraan dadaalkooda, muujiyaan karti, adkaysi iyo waddaniyad, si loo gaaro himilada ah in Soomaaliya ay noqoto dal nabdoon, ammaan ah, midaysan, kana xor ah kooxaha Khawaarijta.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments