Dowladda Soomaaliya oo hirgelinaysa nidaam cusub oo lagu diiwaangelinayo laguna kormeerayo shirkadaha amniga gaarka ah

Muqdisho – Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, S/Guuto Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa si rasmi ah u daahfuray nidaam casri ah oo lagu diiwaangelinayo, laguna maamulayo shirkadaha bixiya adeegyada…

Dowladda Soomaaliya oo hirgelinaysa nidaam cusub oo lagu diiwaangelinayo laguna kormeerayo shirkadaha amniga gaarka ah

Muqdisho – Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, S/Guuto Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa si rasmi ah u daahfuray nidaam casri ah oo lagu diiwaangelinayo, laguna maamulayo shirkadaha bixiya adeegyada amniga gaarka ah.

Nidaamkan cusub ayaa loogu talagalay in lagu habeeyo howlaha shirkadaha amniga gaarka ah iyo shaqaalaha ilaalada, iyadoo diiradda la saarayo saddex arrimood oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah diiwaangelinta iyo maareynta shirkadaha, tababarka iyo tayeynta shaqaalaha ilaalada, iyo kor u qaadista xirfadda iyo tayada adeegyada amniga gaarka ah.

Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa sheegtay in hirgelinta nidaamkan ay qayb ka tahay dadaallada lagu casriyeynayo hab-maamulka shirkadaha amniga gaarka ah, laguna xoojinayo kormeerka, isla-xisaabtanka iyo nidaamka sharciyeynta shirkadaha ka shaqeeya arrimaha amniga.

Nidaamkan ayaa sidoo kale la filayaa inuu gacan ka geysto hagaajinta habka ay shirkadaha amniga gaarka ahi u bixiyaan adeegyada, iyo tayeynta shaqaalaha loo xilsaaro ilaalinta xarumaha iyo goobaha kala duwan.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments