Soomaaliya oo 74% ka gaartay horumarka amniga, kana sarreysay dalal waaweyn oo caalami ah

Soomaaliya ayaa horumar muuqda ka sameysay dhinaca amniga, iyadoo warbixin ay soo saartay hay’adda cilmi-baarista ee Global Safety Report lagu sheegay in 74% uu soo hagaagay dareenka badbaadada muwaadiniinta, gaar…

Soomaaliya oo 74% ka gaartay horumarka amniga, kana sarreysay dalal waaweyn oo caalami ah
FILE PHOTO: People play at the Liido Beach near the Elite Hotel in Abdiaziz district of Mogadishu, Somalia December 4, 2020. Picture taken December 4, 2020. REUTERS/Feisal Omar

Soomaaliya ayaa horumar muuqda ka sameysay dhinaca amniga, iyadoo warbixin ay soo saartay hay’adda cilmi-baarista ee Global Safety Report lagu sheegay in 74% uu soo hagaagay dareenka badbaadada muwaadiniinta, gaar ahaan marka ay habeenkii safrayaan iyo marka ay u kala socdaalayaan deegaannada kala duwan ee dalka.

Qiimeyntan ayaa Soomaaliya ka dhigtay dalka ugu sarreeya soo kabashada amniga ee dalalka Saxaraha ka hooseeya ee Afrika, iyadoo sidoo kale ka sarreysay celceliska caalamka oo lagu sheegay 69%.

Warbixinta ayaa tilmaamtay in Soomaaliya ay qiimeyn ahaan ka sarreysay dalal ay ka mid yihiin Ruushka oo helay 72%, Boqortooyada Midowday 71%, Faransiiska 71%, Hindiya 71% iyo Australia oo heshay 64%.

Shiinaha ayaa isna la mid noqday Soomaaliya, isagoo helay 74%.

Dhanka kale, marka la eego Law and Order Index, oo cabbira kalsoonida bulshada ku qabto booliska, dareenka amniga iyo waayo-aragnimada ay dadku u leeyihiin dembiyada, Soomaaliya ayaa heshay 75 dhibcood.

Inkastoo ay tani shan dhibcood ka hooseyso celceliska caalamka oo ah 80, haddana waxay muujinaysaa isbeddel laga dareemayo dhinaca aragtida shacabka ee amniga.

Natiijadan ayaa muujinaysa in qiimeynta amniga dal aysan ku koobnaan karin tirada dagaallada, weerarrada iyo hawlgallada militari, balse sidoo kale ay muhiim tahay in la tixgeliyo sida muwaadiniintu u dareemayaan badbaadada marka ay ku jiraan nolol maalmeedkooda.

Si kastaba ha ahaatee, qiimeyntani waxay inta badan ka tarjumaysaa dareenka iyo aragtida shacabka ee amniga, mana ka dhigna in dhammaan caqabadaha amni ee dalka ay meesha ka baxeen.

Warbixintan ayaa Soomaaliya u muujinaysay horumar dhanka dareenka badbaadada ah, iyadoo amniga dalka uu weli wajahayo caqabado u baahan dadaallo dheeraad ah oo lagu xaqiijinayo xasillooni waarta.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments