Goobjoog

WASIIRKA GAASHAANDHIGGGA SOOMAALIYA OO LA KULMAY SARKAAL SARE OO KA TIRSAN CIIDAMADA TURKIGA

Muqdisho, 4 Nofeembar 2026: Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan la yeeshay Sarreeye Guud Sabahattin Kılınç oo ah Taliyaha Taliska Istiraatiijiyadeed ee Wadajirka Caalamiga ah ee…

WASIIRKA GAASHAANDHIGGGA SOOMAALIYA OO LA KULMAY SARKAAL SARE OO KA TIRSAN CIIDAMADA TURKIGA

Muqdisho, 4 Nofeembar 2026: Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan la yeeshay Sarreeye Guud Sabahattin Kılınç oo ah Taliyaha Taliska Istiraatiijiyadeed ee Wadajirka Caalamiga ah ee Taliska Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Turkiga.

Kulanka oo ka dhacay Muqdisho ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga milatari iyo difaaca ee Soomaaliya iyo Turkiga, xaaladda amni ee gobolka Geeska Afrika, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada iyo faragelinta shisheeye ee taageerta kooxahaas.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyey dowladda Turkiga taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada dowladda Federaalka ee la-dagaallanka kooxaha argagixisada iyo xoojinta amniga dalka.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qaybgalay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Yuusuf Cali Maxamed, Kaaliyaha Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Maxamed Cali Bariise, iyo Taliyaha Dugsiga Tababarka Ciidamada TURKSOM, Sarreeye Gaas Sabahattin Kalkan.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya iyo Turkigu ay sii xoojinayaan iskaashigooda dhinacyada difaaca, tababarka ciidamada iyo amniga, iyadoo Turkigu ka mid yahay dalalka taageera dib-u-dhiska iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments