Baraawe, 7 November 2026: Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa agab caafimaad iyo daawooyin kala duwan ku wareejiyey Maamulka Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo loogu talagalay Isbitaalka Guud ee magaalada, si loo daboolo baahiyaha caafimaad ee jira, loona xoojiyo adeegyada uu isbitaalku u fidiyo bulshada.
Agabkan iyo daawooyinkan ayaa loogu talagalay in lagu taageero dhakhaatiirta iyo howlwadeennada caafimaadka, isla markaana kor loogu qaado awoodda isbitaalka ee daryeelka bukaannada iyo dadka u baahan adeegyada caafimaad.
Tallaabadan oo ku timid amarka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa qayb ka ah dadaallada uu Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ku taageerayo bulshada, xoojinayana wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo maamulka deegaanka.




From the comments