Muqdisho, Soomaaliya – Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa munaasabad sagootin ah u sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga ee xilka wareejinaya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, isaga oo ku maamuusay doorkii uu ka qaatay horumarinta iyo xoojinta hay’adaha difaaca dalka.
Munaasabadda oo ay ka qeyb galeen saraakiil sare, taliyayaal hore iyo hoggaanka hadda ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa lagu bogaadiyay dadaalladii Wasiir Fiqi ee dagaalka lagula jiro Khawaarijta, ilaalinta qarannimada iyo xoojinta wada shaqeynta Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka.
Kaaliyaha Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Gaas Maxamed Cali Bariise, ayaa ammaanay wada shaqeyntii miro-dhalka ahayd ee kala dhexeysay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka, isaga oo xusay in kaalintii Wasiir Fiqi ay raad wanaagsan ku yeelan doonto taariikhda hay’adaha difaaca dalka.





From the comments