Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed, kaas oo akhrinta koowaad lagu marsiiyey Hindise-sharciyeedka Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya (SISA).
Hindise-sharciyeedkan ayaa la xiriira dhismaha iyo habeynta hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka ee maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo ujeeddadu tahay in la helo hannaan sharci oo qeexaya qaab-dhismeedka, waajibaadka iyo shaqada hay’adda.
Akhrinta koowaad ee hindise-sharciyeedka ayaa ah tallaabo ka mid ah geeddi-socodka sharci-dejinta, kaas oo u gogol xaaraya in la sii ambaqaado ka baaraan-degga iyo dib-u-eegista qodobada ku jira hindise-sharciyeedka ka hor inta aan loo gudbin marxaladaha kale ee ansixinta.





From the comments