Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saadaq Cumar Maxamed Xasan oo loo yaqaan Saadaq Joon, ayaa loo dhaariyay xilka wasiirnimo ee loo magacaabay.
Saadaq Joon ayaa 26-kii Nofeembar 2026 Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre u magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga, kaddib markii uu bannaanaaday xilkii uu hayay Axmed Macallin Fiqi.
Wasiirka cusub ayaa hore u soo qabtay xilal kala duwan oo la xiriira amniga, waxaana ka mid ah Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir iyo xilal dhanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka ah. Sidoo kale, wuxuu ka tirsanaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.





From the comments