Goobjoog

Soomaaliya iyo Shiinaha oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Difaaca iyo Amniga

MUQDISHO – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Wang Yu, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka…

Soomaaliya iyo Shiinaha oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Difaaca iyo Amniga

MUQDISHO – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Wang Yu, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada difaaca iyo amniga.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee amniga dalka, horumarradii ugu dambeeyay ee dhinaca difaaca, howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo marxaladda kala-guurka ee howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi ayaa kulanka ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay si dhow ula socoto qorshayaal iyo dhagarro uu sheegay inay dhinacyo shisheeye ka wadaan dalka, kuwaas oo uu tilmaamay inay halis ku yihiin amniga, xasilloonida iyo midnimada Soomaaliya.

Fiqi ayaa caddeeyay in dowladda Federaalka aysan oggolaan doonin in dalka laga hirgeliyo ajendayaal uu ku tilmaamay kuwo wax u dhimaya danaha iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Dhankiisa, wasiirka ayaa dowladda Shiinaha uga mahadceliyay taageerada ay siiso Soomaaliya, isaga oo bogaadiyay mowqifka Beijing ee ku aaddan ilaalinta madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Kaaliyaha Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Maxamed Cali Bariise, iyo diblomaasiyiin ka socday safaaradda Shiinaha ee Muqdisho.

Kulankan ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu xoojinayo awoodda ciidamadeeda, iskaashiga dhinaca amniga iyo xiriirka ay la leedahay dalalka saaxiibka ah.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments