Magaalada Muqdisho ayaa laga dareemayaa isbeddel dhanka amniga iyo nolol maalmeedka ah, iyadoo shacabka iyo mas’uuliyiinta dowladda ay si isa soo taraysa ugu dhex milmayaan dhaqdhaqaaqyada caadiga ah ee magaalada, kaddib muddo dheer oo ay caasimaddu la daalaa dhacaysay weerarrada iyo qaraxyada kooxda Al-Shabaab.
Horumarkan ayaa waxaa lagu tilmaamay mid ka tarjumaya dadaallada dowladda Soomaaliya ee muddada dheer ay ku dooneysay inay dib ugu soo celiso xasilloonida caasimadda, inkasta oo khatarta amni ay weli ka jirto qaybo kale oo dalka ah.
Warbixin uu daabacay wargeyska Africa Defense Forum ayaa lagu sheegay in Muqdisho ay hadda martigeliso munaasabado waaweyn oo ciyaareed iyo kuwo dhaqameed, iyadoo maqaayadaha iyo goobaha ganacsiga qaarkood ay shaqeeyaan illaa saacadaha dambe ee habeenkii, halka shacabka iyo mas’uuliyiinta dowladda ay si xorriyad dheeraad ah ugu kulmaan goobaha dadweynaha.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa dabayaaqadii bishii Sebtembar ka sheegay kulan ka dhacay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee degmada Dayniile in xaaladda amni ay wax weyn iska beddeshay, isagoo xusay in mas’uuliyiinta dowladda ay hadda awoodaan inay kulamo ku yeeshaan goobaha qaarkood iyaga oo aan wajahayn cabsi la mid ah tii hore.
Ra’iisul Wasaaraha Xamse Cabdi Barre ayaa isaguna dhowaan sheegay in safar uu kaga soo baxay hoygiisa uu ku tegay Wasaaradda Gaashaandhigga, asagoo aan u baahnayn in waddooyinka loo xiro kolonyadiisa, balse uu si caadi ah ula kulmay isu-socodka gaadiidka iyo shacabka.
Isbeddelkaas ayaa sidoo kale laga arkay munaasabadihii waaweynaa ee sannadkan ka dhacay Muqdisho, gaar ahaan dabaaldegyadii 1-da Luulyo, markaas oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu fagaaraha Taleex kula dabaaldegay dhallinyarada, iyadoo aan la adeegsan xayiraad amni oo aad u ballaaran.
Sidoo kale, intii uu socday Koobkii Adduunka ee kubadda cagta 2026, mas’uuliyiin sare oo dowladda ka tirsan ayaa ciyaaraha kala daawanayay shacabka, taas oo muujisay isbeddel ku yimid habka ay mas’uuliyiintu uga qeyb qaataan kulamada bulshada.
Horumarka laga dareemayo Muqdisho kama dhigna in khatartii Al-Shabaab ay meesha ka baxday, maadaama kooxdaasi ay weli isku dayayso inay weerarro culus ka fuliso gobollada dalka.
Horumarka laga dareemayo Muqdisho wuxuu muujinayaa isbeddel ku yimid xaaladdii amni ee caasimadda, iyadoo shacabka ay dib ugu laabanayaan dhaqdhaqaaqyo muddo dheer ay cabsi ka qabeen.
From the comments