Dowladda Mareykanka ayaa go’aansatay inay dib u soo celiso taageeradii dhaqaale ee ay ku bixin jirtay howlgalada milateri ee Soomaaliya, kaddib markii ay dib uga laabatay qorshe hore oo lagu joojinayay maalgelinta howlgalada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee dalka.
Wakaaladda wararka ee AFP ayaa ku warrantay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ay xaqiijisay in Washington ay taageeri doonto muddo kordhin hal sano ah oo loo sameeyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) iyo Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
UNSOS ayaa door muhiim ah ka qaata taageerada ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya, isaga oo u fududeeya sahayda shidaalka, raashinka, gaadiidka, adeegyada caafimaadka iyo agabka kale ee lagama maarmaanka u ah howlgallada milateri.
Go’aankan cusub ayaa ka dhigan in Mareykanku dib uga laabtay qorshihii uu hore ugu dhawaaqay ee ahaa in la joojiyo maalgelinta xafiiska UNSOS, kaas oo halis gelin karay sii socoshada howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo taageerada uu siiyo ciidamada dowladda.
Mareykanka ayaa hore u sheegay inuu ka walaacsan yahay gaabiska dowladda Soomaaliya ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka jira iyo dib-u-habaynta la xiriirta hay’adaha amniga.
Go’aanka taageerada dib loogu cusbooneysiinayo ayaa imaanaya xilli Soomaaliya ay wajahayso xaalado amni iyo siyaasadeed oo cakiran, iyadoo khilaafaadka u dhexeeya dowladda federaalka, mucaaradka iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada ay saameyn ku yeesheen xasilloonida dalka.
Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in taageeradan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xakameynayo khataraha amni ee Soomaaliya iyo ka hortagga in gobolka uu ka dhasho qalalaase amni oo ballaaran, kaas oo saameyn kara danaha Mareykanka.
From the comments