Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si diirran u soo dhaweysay go’aanka Dowladda Mareykanka ee ku aaddan cusbooneysiinta maalgelinta iyo taageerada Xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya (UNSOS) iyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) muddo sannad kale ah.
War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayay dowladdu ku sheegtay in go’aankani uu muujinayo iskaashiga muddada dheer ka dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, gaar ahaan dagaalka wadajirka ah ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab.
Dowladdu waxay xustay in Mareykanku uu door weyn ka qaatay xoojinta hay’adaha amniga Soomaaliya, taageeridda howlgallada milateri iyo ilaalinta guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in inta lagu guda jiray afartii sano ee la soo dhaafay ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed la wareegeen in ka badan 20 saldhig oo horay ay u maamulayeen ciidamada Midowga Afrika, taas oo qayb ka ah qorshaha ay Soomaaliya kula wareegeyso mas’uuliyadda amnigeeda.
Dowladdu waxay sheegtay in tirada ciidamada AUSSOM ay hoos uga dhacday ku dhowaad 21,000 oo askari, iyadoo hadda ay joogaan ku dhowaad kala bar tiradaas, taas oo muujinaysa horumarka ay sameeyeen ciidamada Soomaaliyeed iyo awoodda ay u leeyihiin sugidda amniga dalka.
Sidoo kale, dowladda ayaa caddeysay inay ka go’an tahay in mustaqbalka dhow ciidamada Soomaaliyeed ay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka, iyadoo taageerada Mareykanka ay gacan ka geysan doonto joogteynta howlgallada, ilaalinta guulaha la gaaray iyo ballaarinta amniga deegaannada laga xoreeyay Al-Shabaab.
Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday saaxiibbada caalamka inay sii wadaan taageerada amniga Soomaaliya, iyadoo carrabka ku adkeysay in ciribtirka Al-Shabaab uu muhiim u yahay mustaqbalka dalka, xasilloonida Geeska Afrika iyo guud ahaan gobolka.
From the comments