Muqdisho, Nofeembar 19, 2026: Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa war rasmi ah oo ay soo saartay kaga jawaabtay tallaabooyinka diblomaasiyadeed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhawaan ka qaadday, iyadoo sheegtay inay horay u xirtay safaaraddeedii Muqdisho, isla markaana ay dalka kala baxday diblomaasiyiinteedii bishii Janaayo 2026.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay inay si xooggan uga soo horjeeddo waxa ay ku tilmaantay hab-dhaqanka ay dowladda Soomaaliya kula dhaqmayso, kaas oo ay ku tilmaantay mid aan sabab lahayn, isla markaana dhaawacaya xiriirka labada dal iyo iskaashigooda.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in go’aannada saameynaya xiriirka labada dowladood ay tahay inay ku salaysnaadaan danaha wadajirka ah, kana fogaadaan tixgelinnada siyaasadeed iyo khilaafaadka gudaha ee Soomaaliya.
Imaaraadka ayaa sidoo kale sheegay in uusan marnaba qayb ka noqon khilaafaadka gudaha Soomaaliya ee la xiriira loollanka awoodda, isagoo xusay in arrimaha noocaas ah ay saameyn taban ku yeelan karaan danaha labada shacab.
Dowladda Imaaraadka ayaa intaas ku dartay in go’aanka ay ku xirtay safaaraddeeda Muqdisho, isla markaana ay dib u soo celisay diblomaasiyiinteeda bishii Janaayo 2026, uu yimid kaddib tallaabooyin ay ku tilmaantay kuwo cadaawad leh oo ay kala kulantay dowladda Soomaaliya, oo ay ku jiraan baabi’inta heshiisyadii laba geesoodka ahaa.
Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka ayaa caddeysay inay qadarin weyn u hayso shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool Imaaraadka, ganacsatada iyo dadka kale ee xiriirka la leh labada dal.
Waxay sidoo kale ballanqaadday inay ilaalinayso xiriirka taariikhiga ah iyo danaha ay wadaagaan shacabka Soomaaliyeed iyo kan Imaaraadka Carabta.
War-saxaafadeedkan ayaa soo baxay xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Muqdisho iyo Abu Dhabi, kaddib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay shaacisay go’aanno cusub oo la xiriira xiriirka labada dal.
From the comments