Dhuusamareeb, 19 Nofeembar 2026 – Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, ayaa magacaabay Xeer Ilaaliyaha Guud iyo Garyaqaanka Guud ee Galmudug, isaga oo tallaabadan ku tilmaamay mid qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo garsoorka iyo sarreynta sharciga.
Hoggaamiyaha ayaa Garyaqaan Mustafa Macallin Cali Salaad u magacaabay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Galmudug, halka Garyaqaan Maxamed Xuseen Muuse loo magacaabay Garyaqaanka Guud ee dowlad goboleedka.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Hoggaamiyaha Galmudug, mas’uuliyiinta cusub ayaa loogu baaqay inay si hufan, daacadnimo iyo masuuliyad leh u gutaan waajibaadka loo igmaday.





From the comments