Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cali, ayaa magaalada Oslo ee caasimadda Norway kulan kula yeeshay dhiggiisa dalkaas, Espen Barth Eide, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo ballaarinta iskaashiga labada dal.
Kulankan ayaa qabsoomay intii uu socday shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Nordic iyo Afrika, waxaana labada wasiir ay ka wada hadleen sidii loo horumarin lahaa xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Norway, iyadoo mudnaan la siinayo dhinacyada ay labada dowladood ka leeyihiin danaha wadaagga ah.
Wada-hadallada ayaa sidoo kale fursad u noqday labada dhinac inay is dhaafsadaan aragtiyo ku saabsan xoojinta iskaashiga caalamiga ah iyo horumarinta xiriirka siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed.





From the comments