Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorshaynaysa inay Muqdisho wadatashi ugu yeerto safiirkeeda u fadhiya Isutagga Imaaraadka Carabta, isla markaana ay safiirka Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya ku wargeliso inuu dalkiisa u aado wadatashi diblomaasiyadeed.
Arrintan ayaa salka ku haysa walaac culus oo ay Dowladda Federaalku ka muujisay dhaqdhaqaaqyo iyo xiriirro ay Dowladda Imaaraadku la yeelatay maamullo ka tirsan Soomaaliya, iyadoo aan loo marin hay’adaha dastuuriga ah ee dowladda dhexe.
Muqdisho waxay ku tilmaantay tallaabooyinkaas kuwo dhaawacaya madax-bannaanida, midnimada, wadajirka dhuleed iyo amniga qaranka, kana hor imaanaya mabaadi’da Axdiga Qaramada Midoobay iyo Heshiiska Vienna ee Xiriirrada Diblomaasiyadeed.
Tallaabadan ayaa daba socota go’aankii Xukuumadda Federaalka ay ku burisay dhammaan heshiisyadii iyo is-afgaradyadii dhexmaray Imaaraadka iyo heerarka kala duwan ee maamulka Soomaaliya.
Waxay sidoo kale la jaanqaadaysaa hadalkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa: “Soomaaliya maanta ma aha Soomaaliyadii shalay ee loo malaynayey inay daciif tahay. Waxaan nahay qaran leh dastuur iyo dowlad sharci ah.”
U-yeerista safiirka Soomaaliya iyo wargelinta safiirka Imaaraadka waxay noqonayaan tallaabooyin diblomaasiyadeed oo ku-meel-gaar ah, mana aha jarista xiriirka labada dal.
Safaaradda Soomaaliya ee Abu Dhabi iyo adeegyada qunsuliyadeed way sii shaqayn doonaan, iyadoo Muqdisho ay weli dhowrayso waddooyinka wada-hadalka ee ku dhisan ixtiraamka qarannimada, wadajirka dhuleed iyo faragelin la’aanta arrimaha gudaha.
From the comments