Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, kaddib safar shaqo oo maalmo qaatay oo uu ku kala tegay magaalooyinka Dhuusamareeb, Jowhar, Muqdisho iyo Baraawe.
Safarka Hoggaamiyaha ayaa la xiriiray kulamo uu la yeeshay mas’uuliyiin kala duwan, kuwaas oo looga hadlay dowlad-dhiska, iskaashiga hay’adaha dowladda, nabadda, amniga iyo horumarinta deegaanada Koonfur Galbeed.
Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdigiisa ayaa garoonka diyaaradaha Dr. Shaati-Gaduud ee Baydhabo waxaa ku soo dhoweeyay xubno ka tirsan golaha wasiirrada, xildhibaanno, maamulka gobolka Baay iyo degmada Baydhabo, saraakiil ciidan, odayaal dhaqameed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.





From the comments