Soomaaliya oo Si Adag uga Hortimid Faragelinta Imaaraadka Carabta

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed rasmi ah oo ay soo saartay ku muujisay walaac xooggan oo ku saabsan faragelinta ay sheegtay in Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ay ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya, iyadoo tallaabooyinkaas ku tilmaantay kuwo wiiqaya madax-bannaanida, wadajirka dhuleed iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in dowladda ay si adag uga soo horjeeddo faragelin kasta oo shisheeye iyo heshiisyo amni oo barbar socda nidaamka qaranka, kuwaas oo hareer maraya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in mowqifkan uu ku saleysan yahay khudbaddii qaran ee uu Talaadadii jeediyey Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo dowladdu mar kale adkeysay in Dowladda Federaalka ay tahay hay’adda keliya ee awoodda u leh xiriirka diblomaasiyadeed ee dalka.

Sidoo kale, Soomaaliya ayaa Dowladda Imaaraadka Carabta ugu baaqday in dhammaan xiriirrada ay la leedahay dalka ay si toos ah ula yeelato Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la raacayo Axdiga Qaramada Midoobay iyo shuruucda caalamiga ah.

Mowqifka dowladda ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed ee la xiriira doorka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya iyo xiriirrada uu la leeyahay dhinacyo kala duwan oo dalka ka jira.

Dhanka kale, dowladda Soomaaliya ayaa caddeysay in cabashadeedu aysan ku wajahnayn shacabka Imaaraadka Carabta ama xiriirka saaxiibtinimo ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada shacab, balse ay si gaar ah ugu saabsan tahay siyaasadaha dowladda Imaaraadka ee ku aaddan Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay qaadi doonto dhammaan tallaabooyinka sharciyeed ee lagama maarmaanka u ah ilaalinta madax-bannaanida, wadajirka dhuleed iyo midnimada qaranka, iyadoo fariin cad u dirtay dhinacyada ay khuseyso in la dhowro madax-bannaanida iyo nidaamka dowladeed ee Soomaaliya.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments