Soomaaliya iyo Sucuudiga oo ka Wada Hadlay Mataanaynta Caasimadaha Muqdisho iyo Riyaad

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan, ayaa kulan la yeeshay Duqa Magaalada Riyaad, Amiir Dr. Faysal Bin Cabdulcasiis Bin Cayaaf, kaddib booqasho uu ku tagay xarunta Dowladda Hoose ee caasimadda Sacuudiga.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan horumarinta xiriirka magaalooyinka Muqdisho iyo Riyaad, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen qorshe la xiriira sidii labada caasimadood loo mataaneyn lahaa.

Danjire Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan ayaa intii uu kulanku socday Duqa Magaalada Riyaad gaarsiiyay salaan uu uga siday Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), taasoo muujineysa dadaallada lagu horumarinayo xiriirka iyo wada-shaqeynta maamullada labada magaalo.

Mataaneynta Muqdisho iyo Riyaad ayaa horseedi karta iskaashi dhinacyo kala duwan leh, oo ay ka mid yihiin maamulka magaalooyinka, qorsheynta iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, adeegyada bulshada iyo is-weydaarsiga khibradaha maamulka magaalooyinka.

Danjiraha Soomaaliya ayaa ugu dambeyn uga mahadceliyay Duqa Magaalada Riyaad soo dhaweynta diirran iyo kulanka miro-dhalka ah, iyadoo labada dhinac ay isla qaateen muhiimadda ay leedahay joogteynta kulamada iyo xiriirka wada-shaqeyneed.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ku dooneyso inay ku xoojiso xiriirka ay la leedahay Sacuudi Carabiya, isla markaana ay iskaashi horumarineed uga dhex abuurto Muqdisho iyo caasimadda Riyaad.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments