Ma Dhab baa in Taliyaha Booliiska Itoobiya uu ka Qeyb Qaatay Dagaalladii Mooyaale?

Xiisadda ka taagan magaalada istiraatiijiga ah ee Mooyaale ayaa yeelatay weji cusub, kaddib markii ay soo baxeen caddaymo sii xoogeysanaya oo muujinaya ku-lug-lahaanshaha tooska ah ee Dowladda Federaalka Itoobiya ee colaadda ka dhanka ah shacabka Soomaaliyeed ee deggan magaaladaas

Ma Dhab baa in Taliyaha Booliiska Itoobiya uu ka Qeyb Qaatay Dagaalladii Mooyaale?

Xiisadda ka taagan magaalada istiraatiijiga ah ee Mooyaale ayaa yeelatay weji cusub, kaddib markii ay soo baxeen caddaymo sii xoogeysanaya oo muujinaya ku-lug-lahaanshaha tooska ah ee Dowladda Federaalka Itoobiya ee colaadda ka dhanka ah shacabka Soomaaliyeed ee deggan magaaladaas.

Ilo xog ogaal ah ayaa tilmaamaya in ciidamada Federaalka Itoobiya ay si aan qarsoodi lahayn u barbar dagaallamayaan maleeshiyaadka qoomiyadda Oromada ee uu ka soo jeedo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli maleeshiyaadka Oromadu ay guuldarrooyin xooggan kala kulmeen isku dayo is-xigxigay oo ay ku doonayeen inay gacanta ku dhigaan gacan-ku-haynta guud ee magaalada Mooyaale.

KaalintaTaliyaha Booliiska iyo Safarkiisii Yabelo

Xogaha sida weyn u xoojinaya eedeymaha ah in Addis Ababa ay la safan tahay dhinaca Oromada, waxaa ugu weyn dhaqdhaqaaqa Taliyaha Booliiska Federaalka Itoobiya. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyay in Taliyuhu uu gaaray deegaannada Ismaamulka Oromia intii uu dagaalku socday, halkaas oo lagu eedeeyay inuu ka waday abaabul ciidan iyo mid dagaal.

Safarka Taliyaha waxaa si dadban u xaqiijiyay qaar ka mid ah siyaasiyiinta Oromada ee sida adag u huriya colaadda Mooyaale una ololeeya in qoomiyaddoodu ay la wareegto magaaladaas.

Siyaasiyiintan oo ka careysan jabkii xoogganaa ee Oromada ka soo gaaray dagaalka, ayaa ku dooday in imaanshaha Taliyuhu uu uga sii daray xaaladda, halkii uu guul milatari u soo hoyn lahaa dhinacooda.

Dhanka kale, siyaasiga caanka ah ee Jawar Maxamed oo ay isku qoomiyad yihiin Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Taliyaha Booliiska ayaa bixiyay faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan ujeeddada safarkaas.

Jawar ayaa sheegay in Taliyaha markii hore loo diray Mooyaale si uu u dajiyo colaadda, balse uu ku hakaday magaalada Yabelo oo ah xudunta laga soo abaabulo weerarrada iyo tacaddiyada ka dhanka ah Soomaalida taas oo uu tilmaamay inay sii hurisay colaadda.

Jawar wuxuu intaas ku daray in Taliyuhu uu haatan ka soo laabtay Yabelo, uuna ku sugan yahay caasimadda Addis Ababa.

Hubka Federaalka oo lagu garaacayo Xaafadaha Soomaalida

Dhacdooyinkan is-biirsaday ayaa xoojinaya warbixinnada sheegaya in Dowladda Federaalka Itoobiya ay hub culus iyo saanad ciidan ku taageertay qoomiyadda Oromada, si looga barakiciyo dadka Soomaaliyeed magaalada Mooyaale.

Muuqaallo iyo caddeymo laga helay goobaha lagu dagaallamay, gaar ahaan astaamaha ku yaalla gantaallada iyo madaafiicda lagu garaacay xaafadaha ay deggan yihiin Soomaalidu, ayaa si cad u muujinaya in hubka la adeegsanayo uu yahay midkii loogu talagalay Ciidamada Difaaca Qaranka ee Federaalka Itoobiya.

Ugu dambeyn, xaaladda magaalada Mooyaale ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo shacabka Soomaaliyeed iyo waxgaradka deegaanku ay dalbanayaan in la joojiyo gardarrada qaawan iyo adeegsiga awoodda dowladda ee lagu beegsanayo dadka rayidka ah.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments