Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa Korneel Cabdullaahi Barre Cilmi u magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan.
Magacaabistan ayaa lagu shaaciyay digreeto uu hoggaamiyaha Hirshabeelle soo saaray, taas oo warbaahinta la wadaagay Agaasime Ku-xigeenka Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Madaxtooyada Hirshabeelle, Mahad Axmed Calasoow.
Korneel Cabdullaahi Barre Cilmi oo ah sarkaal ciidan ayaa loo igmaday hoggaaminta maamulka Gobolka Hiiraan, isaga oo xilkan kala wareegaya maamulkii ka horreeyay.





From the comments