Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta dil toogasho ah oo ah Qisaasta Marxuum Maxamed Maxamuud Axmed ku xukuntay Dable Nisa Tahliil Guure Culusow Caraale, oo loo yaqaanay “Lagatay”, kana tirsanaa Ciidanka Duufaan.
Eedeysanaha ayaa lagu soo oogay inuu dilay Marxuum Maxamed Maxamuud Axmed, kaas oo hore u qabay haweeney ay kala tageen eedeysanaha Tahliil muddo toddobo sano ka hor ah, isla markaana ay u dhashay shan carruur ah.
Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa baaris dheer kaddib codsaday in kiiska loo qaado maxkamad, waxaana codsigaas la oggolaaday 12-kii Nofeembar ee bishan.





From the comments