Dagaal Beeleed Khasaare Nafeed Geystay oo Ka Qarxay Deegaanno Hoostaga Magaalada Cadalle

Cadalle, Shabeellaha Dhexe – Dagaal beeleed culus ayaa saaka ka qarxay deegaanno hoostaga magaalada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo sababay dhimashada in ka badan 10 qof, halka tiro…

Dagaal Beeleed Khasaare Nafeed Geystay oo Ka Qarxay Deegaanno Hoostaga Magaalada Cadalle

Cadalle, Shabeellaha Dhexe – Dagaal beeleed culus ayaa saaka ka qarxay deegaanno hoostaga magaalada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo sababay dhimashada in ka badan 10 qof, halka tiro kale oo badan ay ku dhaawacmeen.

Sida ay dadka deegaanka u sheegeen warbaahinta, dagaalka ayaa u dhexeeya maleeshiyaad ka soo kala jeeda laba beelood oo isku haya muran dhuleed iyo colaado soo jireen ah oo muddooyinkii dambe ka taagnaa deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in dadaallo dhowr ah oo lagu doonayay in lagu dhex-dhexaadiyo dhinacyada dagaallamaya ay hore u dhaceen, balse aysan xal waara ka dhalan, iyadoo colaadda ay marar badan dib u soo cusboonaatay.

Ilaa hadda ma jiraan ciidamo ama dhinacyo si rasmi ah u kala dhexgalay maleeshiyaadka dagaallamaya, waxaana wararka laga helayo deegaanka ay sheegayaan in weli la adeegsanayo hub culus, taas oo laga cabsi qabo inay sii kordhiso khasaaraha nafeed.

Dhanka kale, ma jiro war rasmi ah oo ilaa hadda ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeelle oo ku saabsan dagaalka ka socda deegaannada hoostaga magaalada Cadalle.

Xaaladda deegaanka ayaa weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalku sii socdo haddii aan si degdeg ah loo helin cid kala dhex gasha dhinacyada diriraya.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments