Madaxtooyada Soomaaliya oo sheegtay in Dhawaan la Qabanayo Shirka Wadatashiga Qaran

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay socdaan dadaallo iyo xiriirro lala leeyahay dhinacyada lagu casuumay Gogosha Wadatashiga Qaran, taas oo la filayo in dhawaan si rasmi ah loo furo.

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in xiriirrada lala yeelanayo dhinacyada kala duwan ay qayb ka yihiin diyaar-garowga shirka, kaas oo uu gogoshiisa fidiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, 26-kii Oktoobar 2026.

War-saxaafadeedkan ayaa imanayaa xilli uu dib u dhacay kulan maanta la filayay inuu dhex maro madaxweyne Xasan Shiikh iyo Hoggaamiyaasha mucaaradka, ayadoo sababta loo aanaynayo diidmo dhanka mucaaradka ka timid

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments