Mooyaale: Gantaallo Culus oo Lagu Garaacay xaafaddaha Soomaalidu Degto

Mooyaale – Wararka ka imanaya magaalada Mooyaale ayaa sheegaya in gantaallo culus lagu garaacay guryo iyo goobo muhiim ah oo ku yaalla deegaannada ay Soomaalidu ka degto magaaladaasi, taas oo…

Mooyaale: Gantaallo Culus oo Lagu Garaacay xaafaddaha Soomaalidu Degto

Mooyaale – Wararka ka imanaya magaalada Mooyaale ayaa sheegaya in gantaallo culus lagu garaacay guryo iyo goobo muhiim ah oo ku yaalla deegaannada ay Soomaalidu ka degto magaaladaasi, taas oo dhalisay khasaare hantiyeed iyo cabsi xooggan oo soo wajahday dadka shacabka ah.

Duqeymahan ayaa la sheegay inay sababeen burbur hantiyeed, iyadoo xaaladda amni ee magaalada ay haatan tahay mid aad u cakiran, isla markaana ay sii kordhayaan walaaca laga qabo badqabka dadka rayidka ah.

Dagaalka ayaa la xiriira iska horimaadyo u dhexeeya dhinacyada Soomaalida iyo Oromada, kuwaas oo muddooyinkii dambe ka socday deegaanno ka tirsan xadka ay wadaagaan dowlad-deegaanka Soomaalida iyo Oromia.

Dhanka kale, waxaa jira eedeymo sheegaya in ciidamada Oromia ay hubka culus ka helaan dowladda Federaalka Itoobiya, balse eedeymahaas weli si madax-bannaan looma xaqiijin. Dowladda Itoobiya ayaa la sheegay inay iska fogeysay eedeymaha taageerada milatari.

Xaaladdan ayaa sare u qaadday walaaca laga qabo in colaadda ay sii ballaarato, iyadoo loo baahan yahay in dhinacyada ay ku lug leeyihiin ay joojiyaan dagaalka, isla markaana la ilaaliyo shacabka rayidka ah.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments