Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan gaar ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dowladda Liibiya, Cabdulxamiid Dabaiba, iyo wafdi uu hoggaaminayay, kaas oo ka dhacay magaalada Antalya ee dalka Turkiga, xilli ay halkaasi ka socoto shirka caalamiga ah ee cimilada ee COP31.
Kulanka labada mas’uul ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Liibiya, iyadoo labada dhinac ay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay sii ambaqaadista iskaashiga labada dal iyo horumarinta xiriirkooda dhinacyada kala duwan.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamza Dabaiba ayaa sidoo kale isla qiray in labada dal ay ka dhexeeyaan xiriir soo jireen ah oo ku dhisan walaaltinimo, is-garabsi iyo wadajir, iyagoo muujiyay rabitaankooda ku aaddan in xiriirkaasi loo beddelo iskaashi wax-ku-ool ah oo horseeda danaha iyo barwaaqada labada shacab.




From the comments