Goobjoog

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Khudbad ka Jeediyey Shirweynaha Cimilada COP31 ee ka Furmay Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qaybgalay shirweynaha 31-aad ee Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada (COP31), kaas oo maanta ka furmay magaalada Antalya ee dalka Turkiga. Madaxweynaha…

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Khudbad ka Jeediyey Shirweynaha Cimilada COP31 ee ka Furmay Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qaybgalay shirweynaha 31-aad ee Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada (COP31), kaas oo maanta ka furmay magaalada Antalya ee dalka Turkiga.

Madaxweynaha ayaa khudbad uu ka jeediyey shirka kaga hadlay saameynta isbeddelka cimilada ee Soomaaliya, isaga oo beesha caalamka ugu baaqay in la fuliyo ballanqaadyadii caalamiga ahaa ee wax looga qaban lahaa isbeddelka cimilada, isla markaana taageero la siiyo dalalka sida daran ay u saameeyaan abaaraha iyo fatahaadaha.

Xasan Sheekh ayaa xusay in Soomaaliya aysan wax badan ku lahayn qiiqa hawada wasakheeya ee caalamka, balse ay ka mid tahay dalalka sida daran u wajahaya dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada, gaar ahaan abaaraha soo noqnoqda iyo fatahaadaha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in dalalka leh mas’uuliyadda ugu weyn ee isbeddelka cimilada ay tahay inay hoggaamiyaan dadaallada lagu dhimayo saameyntiisa, isla markaana ay gutaan waajibaadkooda ku aaddan taageeridda waddamada nugul.

Shirweynaha COP31 ayaa looga hadlayaa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga caalamiga ah, maalgelinta la tacaalidda isbeddelka cimilada iyo taageerada dalalka ay sida weyn u saameeyaan dhibaatooyinka deegaanka.

Soomaaliya ayaa shirka u adeegsanaysa fursad ay ku soo bandhigto caqabadaha cimilada ee dalka iyo baahida loo qabo taageero caalami ah oo lagu xoojinayo la qabsiga iyo adkeysiga bulshada.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments