Goobjoog

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Antaliya ee dalka Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaaray magaalada Antalya ee dalka Turkiga, halkaas oo uu kaga qeybgalayo shirka caalamiga ah ee Qaramada Midoobay ee isbeddelka cimilada, COP31. Madaxweynaha…

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Antaliya ee dalka Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaaray magaalada Antalya ee dalka Turkiga, halkaas oo uu kaga qeybgalayo shirka caalamiga ah ee Qaramada Midoobay ee isbeddelka cimilada, COP31.

Madaxweynaha ayaa hoggaaminaya wafdiga heerka sare ee Soomaaliya ku matalaya shirka, kaas oo ay isugu yimaadeen hoggaamiyeyaasha dowladaha, hay’adaha caalamiga ah, khubarada deegaanka iyo wakiillo ka socda bulshada rayidka ah.

Shirka COP31 oo soconaya illaa 20-ka bishan Nofeembar ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta dadaallada caalamiga ah ee lagula tacaalayo isbeddelka cimilada, dhimista qiiqa hawada wasakheeya, maalgelinta cimilada iyo sidii dalalka nugul looga taageeri lahaa la qabsiga saameynta isbeddelka cimilada.

Ka qeybgalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa imanaya xilli dalka uu wajahayo dhibaatooyin cimilo oo soo noqnoqday, kuwaas oo saameyn weyn ku yeeshay nolosha dadka, dhaqaalaha iyo deegaanka.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments