Goobjoog

MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA IYO RA’IISUL WASAARAHA ITOOBIYA OO KU KULMAY SHIRKA ISBEDDELKA CIMILADA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa kulan ku yeeshay goobta uu ka socdo Shirka Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada (COP31). Kulanka…

MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA IYO RA’IISUL WASAARAHA ITOOBIYA OO KU KULMAY SHIRKA ISBEDDELKA CIMILADA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa kulan ku yeeshay goobta uu ka socdo Shirka Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada (COP31).

Kulanka ayaa muujinaya is-dhexgalka madaxda labada dal oo ay ka dhexeeyaan arrimo la xiriira xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga gobolka iyo danaha labada shacab.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in kulanka uu Madaxweynaha Soomaaliya kala yeeshay diiradda lagu saaray xaaladda amniga Soomaaliya iyo guud ahaan xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay wadahadalka iyo iskaashiga joogtada ah ee lagu wajahayo caqabadaha amni iyo kuwa gobolka.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli labada dal ay muhiimad gaar ah siinayaan xiriirkooda diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo xasilloonida gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa magaalada Antalya ee dalka Turkiga uga qeybgalaya shirka COP31, halkaas oo ay isugu yimaadeen madaxda caalamka si ay uga arrinsadaan saameynta isbeddelka cimilada.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments