Goobjoog

Soomaaliya oo COP31 ka Codsatay 6.3 bilyan oo Dollar si loogu Diyaargaroobo la qabsiga Isbeddelka Cimilada Ilaa 2035

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa beesha caalamka ka dalbaday in Soomaaliya la siiyo dhaqaale dhan 6.3 bilyan oo dollar si ay ula tacaasho saameynta isbeddelka cimilada, muddada u dhexeysa hadda iyo sannadka 2035.

Soomaaliya oo COP31 ka Codsatay 6.3 bilyan oo Dollar si loogu Diyaargaroobo la qabsiga Isbeddelka Cimilada Ilaa 2035

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa beesha caalamka ka dalbaday in Soomaaliya la siiyo dhaqaale dhan 6.3 bilyan oo dollar si ay ula tacaasho saameynta isbeddelka cimilada, muddada u dhexeysa hadda iyo sannadka 2035.

Madaxweynaha ayaa baaqan ka jeediyay shirweynaha 31-aad ee Qaramada Midoobay ee isbeddelka cimilada (COP31), kaas oo ka socda magaalada Antalya ee dalka Turkiga, halkaas oo ay isugu yimaadeen madaxda dowladaha iyo wakiillo ka socda dalal kala duwan oo caalamka ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka sida weyn ugu nugul saameynta isbeddelka cimilada, inkasta oo ay qayb aad u yar ku leedahay qiiqa hawada wasakheeya ee dunida ka dhasha.

Wuxuu tilmaamay in abaaraha daba dheeraada, fatahaadaha iyo masiibooyinka kale ee dabiiciga ah ay si joogto ah u saameeyaan nolosha shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dalalka dhaqaalaha badan iyo kuwa taariikh ahaan qaybta ugu weyn ka qaatay wasakheynta deegaanka inay qaataan mas’uuliyad dheeraad ah, isla markaana ay taageero maaliyadeed siiyaan waddamada soo koraya ee ay sida daran u saameeyeen dhibaatooyinka cimilada.

Qodobka kale ee uu si gaar ah u dul istaagay ayaa ahaa in dhaqaalaha loogu talagalay ka hortagga musiibooyinka dabiiciga ah la sii daayo xilli hore, marka saadaasha hawadu muujiso in xaalad degdeg ahi soo dhowdahay, halkii laga sugi lahaa ilaa ay musiibadu dhacdo oo ay dadku khasaaro kala kulmaan.

Wuxuu sheegay in helitaanka dhaqaalaha waqtiga ku habboon uu dowladaha u suuragelinayo inay horay u sii diyaargaroobaan, badbaadiyaan nolosha dadka, ilaaliyaan hantida iyo xoolaha, isla markaana yareeyaan khasaaraha bani’aadannimo iyo midka dhaqaale ee ka dhasha abaaraha iyo fatahaadaha.

Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa ku baaqay in dhaqaalaha cimilada lagu bixiyo deeqo toos ah halkii laga siin lahaa qaab deyn ah, isaga oo ka digay in deymaha dheeraadka ahi ay sii culaysin karaan dalalka horeyba ula daalaa dhacaya dhaqaale xumo iyo dhaqaale yari.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale dalbaday in hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah iyo sanduuqyada dhaqaalaha cimiladu ay fududeeyaan shuruudaha iyo habraacyada dalalka looga baahan yahay marka ay codsanayaan taageerada, isla markaana la tixgeliyo heerka ay waddan kasta ugu nugul yihiin khataraha cimilada.

Si kastaba ha ahaatee baahida Soomaaliya u qabto dhaqaalahaasi ayaa la xiriirta xaaladaha soo noqnoqday ee dalka ka dhacay sannadihii ugu dambeeyay, kuwaas oo ay ka mid yihiin abaaro baahsan iyo fatahaado sababay burburka dhul-beereedyo, dhimashada xoolaha, barakaca bulshada iyo sii xumaanshaha xaaladda sugnaanta cuntada.

Dalabka Soomaaliya ee 6.3 bilyan oo dollar ayaa muujinaya baaxadda dhaqaalaha dalku u baahan yahay si uu u xoojiyo awooddiisa la tacaalidda dhibaatooyinka cimilada, loogana hortago in masiibooyinka soo noqnoqda ay sii kordhiyaan dhibaatooyinka bani’aadannimo iyo dhaqaale ee dalka.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments