Goobjoog

Soomaaliya oo Markii ugu Horreysay Martigelisay Shirka Guddiga Xoghayeyaasha Joogtada ah ee IGAD iyo CEWARN

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay magaalada Muqdisho ku martigelisay shir muhiim ah oo ay yeesheen Guddiga Xoghayeyaasha Joogtada ah ee Urur-goboleedka IGAD iyo Xarunta La-socodka iyo Digniinaha Hore ee Colaadaha ee CEWARN, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta nabadda, amniga iyo ka hortagga colaadaha ka dhaca dalalka gobolka.

Shirkan oo socday muddo laba maalmood ah ayaa waxaa ka qeybgalay wakiillo ka kala socday dalalka xubnaha ka ah IGAD, Xoghaynta Urur-goboleedka IGAD iyo khubaro ka socotay hay’adda CEWARN.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Aadan Xaadow, ayaa soo xiray shirka, isagoo ka qeybgalayaasha kala hadlay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqeynta dalalka gobolka iyo sidii loo horumarin lahaa dadaallada lagu xaqiijinayo nabad iyo xasillooni waarta.

Ajandaha shirka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray horumarinta nidaamyada digniinaha hore, kuwaas oo muhiim u ah in la ogaado khataraha amni iyo colaadaha ka hor inta aysan isku beddelin xaalado sababa khasaare naf iyo maalba leh.

Sidoo kale, waxaa laga hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dalalka xubnaha ka ah IGAD, gaar ahaan dhinacyada ka hortagga colaadaha, xog-wadaagga amniga iyo isku-dubbaridka jawaabaha degdegga ah ee xaaladaha amni ee gobolka.

Martigelinta shirkan ayaa Soomaaliya u ah fursad ay ku muujinayso doorkeeda ku aaddan dadaallada gobolka ee nabad-dhisidda iyo iskaashiga amniga, iyadoo Muqdisho markii ugu horreysay noqotay goob ay ku kulmaan mas’uuliyiinta sare ee guddiga iyo khubarada arrimaha digniinaha hore ee colaadaha.

Urur-goboleedka IGAD ayaa kaalin muhiim ah ka qaata dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga dalalka Geeska Afrika, halka CEWARN ay si gaar ah ugu shaqeyso la-socodka khataraha colaadaha iyo bixinta digniinaha hore si looga hortago isku dhacyada ka dhaca gobolka.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments