Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweysay dhaqan-galka heshiiska cusub ee IGAD

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay dhaqan-galka heshiiskii 2023 ee lagu aasaasay Urur-goboleedka Horumarinta IGAD, kaas oo si rasmi ah u dhaqan galay 16-kii Nofeembar 2026. War-saxaafadeed ka soo baxay…

Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweysay dhaqan-galka heshiiska cusub ee IGAD

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay dhaqan-galka heshiiskii 2023 ee lagu aasaasay Urur-goboleedka Horumarinta IGAD, kaas oo si rasmi ah u dhaqan galay 16-kii Nofeembar 2026.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay hambalyo u dirtay dalalka xubnaha ka ah IGAD iyo Xoghaynta ururka, iyadoo tallaabadan ku tilmaantay mid muhiim u ah xoojinta iskaashiga gobolka.

Wasaaraddu waxay xustay in ansixintii Soomaaliya ay heshiiska ku samaysay bishii Janaayo 2026 ay suuragelisay in la gaaro tiradii ansixinnada ee looga baahnaa dhaqan-galka heshiiska.

Sidoo kale, heshiiskan ayaa la sheegay inuu xoojinayo qaab-dhismeedka sharciyeed iyo hay’adeed ee IGAD, isla markaana adkaynayo iskaashiga dalalka xubnaha ka ah dhinacyada nabadda, amniga, isdhexgalka dhaqaalaha iyo horumar waara.

Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay ilaalinta madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo iskaashiga gobolka, iyadoo sheegtay inay diyaar u tahay inay dalalka kale ee xubnaha ka ah kala shaqayso hirgelinta heshiiska.

Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa bogaadisay Xoghaynta IGAD iyo Xoghayaha Fulinta ee ururka, Dr. Workneh Gebeyehu, dadaallada ay ku horumarinayaan himilooyinka iyo waajibaadka ururka.

Soomaaliya ayaa sidoo kale xustay sannad-guuradii 40-aad ee iskaashiga gobolka, tan iyo markii ururkii IGADD la aasaasay sannadkii 1986.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments