Ramaphosa oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Guddoomay Danjiraha Cusub ee Soomaaliya

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan dalka Koonfur Afrika, Aadan Isaaq, ayaa si rasmi ah warqadihiisa aqoonsiga danjirenimo (Letter of Credence) ugu gudbiyay Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa.…

Ramaphosa oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Guddoomay Danjiraha Cusub ee Soomaaliya

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan dalka Koonfur Afrika, Aadan Isaaq, ayaa si rasmi ah warqadihiisa aqoonsiga danjirenimo (Letter of Credence) ugu gudbiyay Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa.

Danjire Aadan Isaaq ayaa sheegay in ay sharaf weyn u tahay inuu Soomaaliya ku matalo dalka Koonfur Afrika, isagoo xusay in mudnaanta koowaad ee shaqadiisu ay noqon doonto xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga labada dal.

Waxa uu tilmaamay in dadaalladiisa diblomaasiyadeed ay xoogga saari doonaan dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, waxbarashada, amniga iyo xiriirka diblomaasiyadeed, si loo horumariyo danaha Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Danjiruhu waxa uu sheegay in safaaraddu mudnaan gaar ah siin doonto bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Koonfur Afrika iyo dalalka kale ee uu ka howlgeli doono.

Ugu dambeyn, Aadan Isaaq ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda kale ee qaranka kalsoonida ay u muujiyeen, isagoo Alle ka baryay inuu u fududeeyo gudashada masuuliyadda loo igmaday.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments