Qabsoomidda Gogashii uu Madaxweyne Xasan Slhiikh u Fidiyay Mucaaridka oo Dib u Dhacday

Wada-hadallo la filayay inay maanta oo ah Sabtida ah dhex maraan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhinacyada mucaaridka ayaa dib u dhacay, kadib diidmo ka timid dhanka mucaaradka.

Qabsoomidda Gogashii uu Madaxweyne Xasan Slhiikh u Fidiyay Mucaaridka oo Dib u Dhacday

Wada-hadallo la filayay inay maanta oo ah Sabtida ah dhex maraan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhinacyada mucaaridka ayaa dib u dhacay, kadib diidmo ka timid dhanka mucaaradka.

Golaha Mustaqbalka iyo siyaasiyiinta Nabad & Nolol ayaa dhankooda sheegay in aysan ka qayb-geli doonin wada-hadal aan loo sameyn dammaanad-qaad iyo dhexdhexaadin caalami ah.

Mucaaridku waxay ku doodayaan in wada-hadalka siyaasadeed uu u baahan yahay hannaan ay dhinacyadu ku wada kalsoon yihiin, isla markaana ay jiraan dhinacyo dhexdhexaad ah oo dammaanad ka qaada fulinta heshiis kasta oo laga gaaro.

Dhanka kale, waxaa jira xubno ka tirsan mucaaridka oo iyagu aqbalay gogosha wada-hadalka, taas oo muujinaysa in mucaaridku uusan weli lahayn mowqif mideysan oo ku saabsan sida loo wajahayo wada-hadallada dowladda.

Dhanka kale, madaxda maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa la filayaa inay toddobaadkan kulan ku yeeshaan magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Kulanka ayaa la sheegay in diiradda lagu saari doono xaaladda siyaasadeed ee dalka, khilaafaadka u dhexeeya dhinacyada siyaasadda iyo mustaqbalka hannaanka dowlad-dhiska Soomaaliya, iyadoo la filayo inay madaxdu soo saaraan mowqif mideysan.

Wararka la xariira dadaallada diblomaasiyadeed ayaa sidoo kale sheegaya in dhammaadka bisha November ay suuragal tahay in Mareykanka, Ingiriiska, Turkiga iyo Midowga Yurub ay door dhexdhexaadin ah ka qaataan sidii Dowladda Federaalka iyo mucaaridku dib ugu bilaabi lahaayeen wada-hadallo lagu xallinayo khilaafaadka siyaasadeed.

Dadka ku dhow arrimahan ayaa qaba in heshiis siyaasadeed oo dhex mara Soomaalida ka hor dhammaadka sannadka uu muhiim u yahay sii socoshada taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya, waxayna ka digayaan in haddii dhinacyada siyaasadda ay ku guuldarreystaan inay gaaraan is-afgarad, ay taasi caqabad ku noqon karto dadaallada lagu doonayo xasilloonida siyaasadeed iyo taageerada ay beesha caalamku siiso dalka.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa weli muuqata in xal u helidda khilaafka siyaasadeed ay ku xiran tahay sida ay Dowladda Federaalka iyo dhinacyada mucaaridku uga heshiiyaan shuruudaha wada-hadalka, dammaanad-qaadka heshiisyada iyo doorka dhexdhexaadiyeyaasha caalamiga ah.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo horey u fidiyay gogasha maanta wada-hadalkeeda baaqday ayaa dhowr jeer hore u sheegay in dawladdu ay mar walba diyaar u tahay wada-hadal ay la gasho cid walba oo siyaasadda dalka wax ka goysa.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments