Dawladda Soomaaliya oo ka Jawaabtay walaac ay Qaramada Midoobay ka Muujisay Xaaladda Garsoorka Dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa jawaab rasmi ah ka bixisay walaac ay khubaro ka tirsan Qaramada Midoobay ka muujiyeen xaaladda garsoorka dalka, gaar ahaan isbeddellada ka socda hay’adaha garsoorka iyo arrimaha la xiriira madax-bannaanidooda.

Dawladda Soomaaliya oo ka Jawaabtay walaac ay Qaramada Midoobay ka Muujisay Xaaladda Garsoorka Dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa jawaab rasmi ah ka bixisay walaac ay khubaro ka tirsan Qaramada Midoobay ka muujiyeen xaaladda garsoorka dalka, gaar ahaan isbeddellada ka socda hay’adaha garsoorka iyo arrimaha la xiriira madax-bannaanidooda.

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ayaa sheegtay in dowladda ay tixgelinayso kaalinta khubarada Qaramada Midoobay iyo wada-shaqeynta hay’adaha caalamiga ah, balse ay ka xun tahay in bayaanka la soo saaray 12-kii Nofeembar 2026 iyadoo aan dowladda marka hore laga dalban faahfaahin ku saabsan arrimaha laga hadlay.

Wasaaraddu waxay sheegtay in Ergada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ee Geneva ay khubarada ka codsatay inay soo gudbiyaan warqad rasmi ah oo lagu caddeynayo qodobada ay doonayaan in laga wada hadlo, si dowladda ay uga diyaar garowdo kulan degdeg ah, hase yeeshee aan la helin faahfaahintaas ka hor inta aan bayaanka la shaacin.

Dowladdu waxay sidoo kale sharraxaad ka bixisay marxaladda kala-guurka dastuuriga ah ee Soomaaliya, iyadoo tilmaantay in dalka uu u gudbayo nidaam cusub oo ku dhisan Dastuurka 2026, isla markaana aan weli la dhammaystirin dhismaha dhammaan hay’adaha dastuuriga ah, oo uu ka mid yahay Golaha Sare ee Garsoorka.

Arrinta xil-ka-qaadista Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare ayaa ka mid ahayd qodobada ay Wasaaraddu si gaar ah uga hadashay, waxayna sheegtay in xil-ka-qaadistiisa la fuliyay 4-tii Nofeembar 2026, iyadoo la raacayo hannaan kala-guur ah oo la mid ah kii markii hore lagu soo magacaabay, maadaama Golaha Sare ee Garsoorka aanu weli si buuxda u dhismin.

Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in qoraalladii iyo go’aannadii uu Guddoomiyihii hore soo saaray kaddib markii xil-ka-qaadistiisu dhaqan gashay aanay dowladda u aqoonsanayn go’aanno sharci ah oo ka soo baxay Maxkamadda Sare, iyadoo ku doodday inuusan xilligaas sii haysan awooddii xilka.

Dhanka dacwadda dastuuriga ah ee ka socota Maxkamadda Sare, dowladda ayaa sheegtay in Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud uu soo bandhigay su’aalo sharciyeed oo la xiriira awoodda maxkamadda, habka loo dhisay garsoorayaasha qaadaya kiiska iyo shuruudaha looga baahan yahay dhinacyada dacwadda.

Sida lagu sheegay bayaanka, dowladda waxay ku adkaysatay in qodobadaasi yihiin arrimo sharci oo ay tahay in la xalliyo ka hor inta aan la guda gelin nuxurka dacwadda, ayna khuseeyaan ilaalinta habraacyada iyo sharcinimada go’aannada maxkamadaha.

Wasaaradda Caddaaladda ayaa caddeysay in dowladda aanay diiddanayn in maxkamaduhu dib u eegis ku sameeyaan arrimaha dastuuriga ah, balse ay muhiim tahay in la xaqiijiyo awoodda maxkamadda iyo in dacwadaha loo maro hannaan waafaqsan sharciga.

Ugu dambeyn, dowladda Soomaaliya waxay sheegtay inay diyaar u tahay inay sii waddo wada-hadalka khubarada Qaramada Midoobay, isla markaana ay bixin karto xog dheeraad ah oo ku saabsan mowqifkeeda, waxayna sidoo kale ku baaqday in dhammaan dhinacyada siyaasadda iyo hay’adaha dowladda ay wada-hadal ku xalliyaan arrimaha taagan, si loo ilaaliyo xasilloonida, sarreynta sharciga iyo madax-bannaanida hay’adaha garsoorka.

Jawaabta dowladda ayaa imaanaysa xilli ay Soomaaliya ka taagan tahay dood sharciyeed iyo mid hay’adeed oo ku saabsan dib-u-habaynta garsoorka, awoodaha dastuuriga ah iyo hannaanka kala-guurka ee nidaamka dowladeed.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments