Wasiirka Cadaaladda XFS oo Soo Saaray Xeer lagu Maamulayo Doorashada ku-Meel-gaarka ah ee Ururka Qareennada Soomaaliyeed

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Macallin, ayaa soo saaray xeer wasiir oo lagu nidaaminayo doorashada ku-meel-gaarka ah ee Ururka Qareennada Soomaaliyeed (UQS).

Xeerkan oo ku taariikhaysan 24-ka November 2026 ayaa ka dambeeyay cabashooyin la xiriira maamulka guddiga ku-meel-gaarka ah ee doorashada Ururka Qareennada Soomaaliyeed, iyo baahida loo qabo ilaalinta madaxbannaanida mihnadda sharciga.
Wasaaradda Cadaaladda ayaa sheegtay inay soo saartay hagaha doorashada ku-meel-gaarka ah ee ururka, kaas oo lagu qeexayo nidaamka loo maamulayo doorashada iyo shaqada guddiga ku-meel-gaarka ah.

Sida ku cad qodobada xeerka, muddada uu shaqeynayo guddiga ku-meel-gaarka ah ee doorashada Ururka Qareennada Soomaaliyeed ayaa lagu cayimay laba bilood.

Xeerkan ayaa lagu saleeyay qodobka 122-aad, faqraddiisa koowaad ee Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo qodobka 25-aad, faqraddiisa 9-aad ee Xeer-nidaamiyaha Sharciga Nidaamka Xukuumadda, Xeer Madaxweyne Lr. 174 ee Febraayo 2025.

Tallaabadan ayaa timid iyadoo ay jireen cabashooyin ku saabsan maamulka guddiga ku-meel-gaarka ah ee doorashada ururka, iyadoo wasaaraddu ay tallaabadan ku sheegtay mid la xiriirta nidaaminta hannaanka doorashada iyo ilaalinta madaxbannaanida mihnadda sharciga.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments