Dowladda Federaalka oo billaabeysa dhismaha Golaha Sare ee Garsoorka Dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay billaabeyso dhismaha Golaha Sare ee Garsoorka Dalka, kaas oo lagu dhisayo hannaan waafaqsan qodobbada Dastuurka la meelmariyay 2026. Go’aankan ayaa lagu shaaciyay warqad…

Dowladda Federaalka oo billaabeysa dhismaha Golaha Sare ee Garsoorka Dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay billaabeyso dhismaha Golaha Sare ee Garsoorka Dalka, kaas oo lagu dhisayo hannaan waafaqsan qodobbada Dastuurka la meelmariyay 2026.

Go’aankan ayaa lagu shaaciyay warqad ay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya dhawaan u dirtay Qaramada Midoobay.

Golahan ayaa la xiriira nidaamka maamulka iyo madax-bannaanida garsoorka dalka, waxaana dhismihiisu qayb ka yahay dadaallada lagu dhisayo hay’adaha garsoorka ee ku saleysan Dastuurka cusub.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay taagan tahay dood la xiriirta madax-bannaanida garsoorka iyo xil-ka-qaadistii Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare.
Wasaaradda Caddaaladda ayaa sheegtay in Golaha Sare ee Garsoorku weli ka mid yahay hay’adaha aan la dhisin ee uu dhigayo Dastuurka 2026.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments